Muqdisho: Aas Qaran oo maanta loo sameynayo Wasiirkii Dastuurka XF Soomaaliya.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka socda saaka Qaban-qaabada aas Qaran oo loo sameynayo marxuum C/maan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowlada Federalka, kaas oo lagu waddo in maanta la keeno Meykooda.

Allaha u naxarisitee C/maan Xoosh ayaa ku geeriyooday Jimcihii Magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana loo sameyn doonaa aas qaran oo ay ka qeybgali doonaan inta badan madaxda dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo dad badana ay isu diyaarinayaan inay ka qeybgalaan aaska Marxuumka.

Guud ahaan ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay waxaana guddiga qabanqaabada aaska marxuum C/maan Xoosh ay sheegeen in marka la keeno medyka oo lagu tukado salaada Janaasada la aasi doono.

IDIL NEWS