Puntland oo ku dhawaaqday xaalad abaareed oo ka jirta Degaanadeeda (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland, ahana Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Maarso, 10, 2019 daahfuray shir looga hadlay abaaraha ka jira Puntland, kuwaas oo saamayn ku yeeshay duunyada iyo nolosha dadka ku dhaqan deegaanada Puntland.

Shirkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayay guddiga abaaraha oo ka kooban Wasiirada wasaaradaha, Deegaanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Arimaha Gudadaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Tamarta Biyaha iyo Macdanta iyo Hay’adda HADMA, waxaa sidoo kale goob joog ahaa shirka masuuliyiin ka socday hay’addaha caalamiga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay in Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo soo laab-laabatay, waxa uu u mahadceliyay hay’addaha ka qayb qaata u gurmashada abaaraha, loona baahan yahay in hadda loo is taago sidii deegaanada abaartu ka jirto dadka ku nool wax loogu qaban lahaa.

“Waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in abaar ay ka jirto Puntland, qaylo dhaantii ugu dheerayd baan maanta dirayaa, hay’addaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, cidkasta oo ka qayb qaadan karta, ilaahay waan baryaynaa, waxaan rajayn in shaqadu sidii hore ka duwanaato iyo dedaalku” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Ugu dambayn, Mudane Karaash waxa uu sheegay in dawladda Puntland doorkeeda ka qaadanayso, loona baahan yahay inaan loo kala harin gurmad la gaarsiiyo shacabka Puntland ee abaaruhu saameeyeen.

Daawo.

IDIL NEWS