Shirkii jihaynta siyaasada Dowlada Puntland oo dhaleecayn xoog leh la kulmay

Dhamaan Qodobada kasoo baxay waxay ahaayeen kuwo aan la jaanqaadi karin xaalada Puntland ee xiligan.

Shirkan socday sadexda cisho lagaliyayna dhaqaalaha iyo wakhtiga laguna sheegay jihaynta siyaasada Xukuumada Puntland ma ahayn mid uqalma ama gaarsiisnaa maqaamkaas ,marka laga eego sida loosoo abaabulay,hab socodkiisii iyo hogaamintii waday…

Waxaa shirka gacanta loo galiyay machadka Sidra iyo agaasimaheeda Guuleed Saalax oo aan lahayn khibrad uu ku hogaamiyo shir maqaamkiisu heerkaas gaarsiisan yahay,.

Dhanka Xukuumada waxaa shirka hawl fudueeye ka ahaa Wasiirka qorshaynta oo ah NGO-iiste aan khibrad Dowladaeed lahayn.waxa kaliya ee lagu xushayna ay ahayd daacadnimada kooxda Madaxtooyada hogaamisa.

Dowladii Madaxweyne Gaas shirarakan oo kale waxay gacanta ugalin jirtay oo daadihin jiray khuburo sare oo caanka ahaa guud ahaan Somaliya,waxaana ka mid ahaa Maxamed Abshir Walde.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirkan kasoo baxay,waxaa ka mid ahaa qodobka kobcinta dakhliga,waxaana lawada ogsoon yahay in Wasaarada Maaliyada ee hawshan u xilsaaran uu hogaamiyo Wasiir aan heerkiisu gaarsiisnayn kobcin dakhli iyo abuurid ilo dhaqaale,isla markaana ka mid ah koox aan la jecalayn oo caan ku ah musuqmaasuqa.

Inkastoo khuburada la socota xaalka Puntland aysanba shirkan wax weyn ka filayn hadana qodobada kasoo baxay waa kuwo aan uqalmin erayga loo isticmaalay shirka ee cinwaanka looga dhigay.

Jibril Qoobey.