New Zealand: 49 Ruux oo ku geeryootay weerar lagu qaaday Masjid (Daawo)

New Zealand Mosque Shooting

CHRISCHURCH (IDIL NEWS)-Ugu yaraan 49 Qof ayaa ku geeriyootay, 20 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus, kaddib markii uu nin Hubeysani weerar ku qaadday Masjid ku yaalla Degmada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Ninkii weerarka geysatay ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa cunsuriyiinta neceb soo galootiga.

Ninkan oo lagu Magacaabo brenton Tarrant, ayaa la sheegay in uu ka yimid dalka Australi, isaga oo xilliga uu Masjidka Alnuur weerarka ka geysanayay uu muqaalo toos Facebook ah iska duubayey.

Brenton Tarrant oo u dhashay dalka Australia ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay sababta uu Masjidka u weeraray in uu ku dayanayo Nin lagu Magacaabi jiray anders breivik, kaas oo 22july Sanadkii 2011 weerar ka geystay dalka Norway.

Ra’iisul wasaaraha Dalka New Zealand, Jacinda Ardern , ayaa saxaafadda u sheegtay in ay tallaabadani tahay mid Argagixiso oo si weyn loo soo qorsheeyay.

Geerida Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhintay ayaa iminka maraysa Afar Qof, laamaha gurmadkuna waxa ay la tacaalayaan dhaawacyadii ka dhashay weerarrada lagu qaaday Labada Masjid.

Daawo.

IDIL NEWS