Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qaybgalay Xuska Maalinta Biyaha Adduunka (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe kaga qayb-galay xuska maalinta Caalamiga ah ee loo asteeyay Biyaha Adduunka, taas oo laga xuso wadamada adduunka.

Munaasabadda xuskan waxaa kasoo qayb-galay Wasiir ku-xigeenada wasaaradaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka, Tamarta, Macdanta & Biyaha, Qaar kamida Hay’adaha Caalamiga ah iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo khudbad ka jeediyay Xuska maalintan ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin shacab waynaha Puntland iyo sida ay dawladdan uga go’an tahay in shacabkeedu ay helaan biyo ku filan.

” Maanta xuskeedu waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay abaar xumi ay ka taagan tahay Puntland oo baaq hore looga diray, waxaan qabaa hay’adaha, Culimaa’udiinka, Ganacsatada iyo guud ahaan shacab waynaha Puntland iyo intii hore ee ka qayb qaadan jirtay abaarihii hore ee la soo maray sidii iyo si lamid ah in looga qayb qaato,maanta in la kaco ayaa loo baahan yahay”. ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlayay Xuska Maalinta Caalmiga ah ee Biyaha Aadduunka.

Madasha Xuska maalintan ayaa lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumaya dedaalada dawladda iyo ceelal badan oo hay’adda biyuhu sanadihii ugu danbeeyay ka hirgalisay dhammaan gobolada Puntland iyo Sidoo kale baahida dhanka biyaha ee haysta shacabka Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS