Eritrea oo eedeeyn kulul u jeediyay Dowladaha Turkiga Iyo Qatar.

ASMARA (IDIL NEWS)-Dowladda Eritrea ayaa eedeeyn kulul dusha uga tuuray Dowladaha Turkiga iyo Qatar.

Erirea ayaa sheegtay in Dowladaha Turkiga iyo Qatar, inay kasoo hor-jeedaan Hormarinta Eritrea, gaar ahaan Taageerada iyo Maalgashiga ay ka helayso Caalamka.

Sidoo kale, Eritrea ayaa tilmaamtay in Dowladahani ay fare-gelin toos ah ku hayaan arrimaha gudaha ee Asmara, ayna kasoo hor jeedaan Nabadda Geeska africa.

Dowladda Eritrea ayaa haatan qeyb ka ah Isbedelada ka socda Gobalka Geeska Africa, Iyadoona xiriir dhow la leh Imaaraadka carabta oo ay loolan ku wadajiraan Dowladaha Qatar iyo Turkiga.

War kasoo baxay Eritrea ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan Golaha ammaanka Qaramada Midoobay uu cunaqabateyntii ka qaaday, taas oo 20 sanno saarneyd Eritrea, sidoo kalena uu soo wanaagsanaanayay xiriir kala dhexeeya wadamada Geeska Africa.

IDIL NEWS