Madaxweyne Deni oo bilaabay Magacaabista Agaasimayaasha Guud (Akhriso)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa Agaasime Guud  u Magacaabay Wasaaradda Degaanka Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, kadib markii uu xilka ka qaaday Agaasimihii Hore ee Wasaaraddaasi, Axmed Cabdi Cali Shire  (Kayse).

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Degaanka ayaa loo magacaabay Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor), sida ku cad Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyna Puntland oo ku taariikhaysan 05-April-2019, Sidoo kalena aan lala wadaagin warbaahinta.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Degaanka ayaa isna loo Magacaabay Faarax Maxille Jaamac, kadib markii xilka laga qaaday agaasimihii hore waaxdaaasi, Maxamed Abshir Jaamac.

Akhriso Wareegtada Magacaabista Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Degaanka.

IDIL NEWS