Video:-Daacish oo qaadatay masuuliyada Qaraxyadii Sirilaanka

Copenhegen,idil News..Ra’iisul-wasaraha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa weriyayaasha magaalada Colombo ugu sheegay inuu rumaysan yahay in kooxda Daacish ay ku lug ku lahayd weerararaadi, wuxuuna ka digay inay dhici karto weerarro kale oo dalkaasi ka dhacay.

RW ataa sheegay in hay’addaha amniga ee Srilanka ay si dhow ula socdeen dadka Srilanka u dhashay ee ku biiray kooxda Daacish kuwaasi oo ku soo noqday Sirlanka.

Saraakiisha Sirdoonka Srilanka ayaa loo sheegay saacado ka hor inta aanu weerarradan dhicin, iyadoo looga digay in kooxo Islaamiyiin ah ay weerarro damacsan yihiin inay fuliyaan.

Saraakiisha sirdoonka Hindia ayaa la xiriiray dhigooda Sri Lanka laba saac ka hor inta aan weerarka koowaad dhicin.

Wasiirka difaaca Sri Lanka Ruwan Wijewardene ayaa isna maanta sheegay in weerarrada ay ahaayeen kuwa looga aargudanayay weerarada labadii masjid ee bishii hore ka dhacay dalka New Zealand.

Todobo nin oo weeraradaasi ka dambeeyay ayay magcohooda ku sheegeen Abu Ubayda, Abu al-Mukhtar, Abu Khalil, Abu Hamza, Abu al-Bara’a, Abu Muhammad og Abu Abdullah.

Halkan ka daawo muuqaalka