Video:-Khayre oo fariin duurxul ah udiray siyaasiyiinta kasoo horjeeda

Muqdisho,idil News,Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shir waynaha culimada taageersan Xukuumada oo mudda sedax cisho ah ka socday Muqdisho.

Khayre,ayaa khudbadiisa soo xiritaankiisa shirweynaha ku sheegay in culimada, shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaanka dalka laga doonayo in ay dhaqan geliyaan natiijada kasoo baxday shirkaan oo intii uu socday looga dooday kaalinta culimada ee xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta dalka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa culimada kula dardaarmay culimada in si wadajir ah cilmigooda ay ugu hagaan bulshada si looga hor tago dhagarta argagaxisada waa sida uu hadalka u dhigay.

Ugu danbeyn Xasan Cali Kheyre ayaa culimada Somaliyed ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan horumar ka dowladnimada iyo isku soo dhawaashaha umada Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka