Maqaal:-Madaxweyne Deni bogaadin buu mudan yahay.WQ.Jibril Qoobey.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa bogaadin ku mutaystay sida uu ugu hagar baxay mashruuca Dekeda Garacad.

Bil ka hor ayay ahayd markii lagu xanibay Markab siday Qalabkii ugu muhiimsanaa dhismaha Dekeda Garacad Kanal Suweys.

Qalabka oo kasoo anba baxay Dalka Turkiga ayay Qaramada Midoobey uxanibtay arimo ku saabsan Cunaqabataynta saaran Somaliya darteed.

Masuuliyiinta mashruucaas gacanta ku haya oo kadib xanimaadaas la xiriiray Dowlada Puntland,ayaa kala kulmay garab istaag buuxa.

Madaxweyne Deni waxuu u istaagay soo furdaaminta Markabaas,isagoo Warqad damaanad qaad buuxa ah udiray Xaafiisyada ay qusaysay,taasoo keentay in lasii daayo Markabkaas iyo qalabkii muhiimka ahaa ee saarnaa.

Mida tixgalinta mudan ee Madaxweyne Deni ku amaanan yahay,ayaa ah in uu ka dhaga adaygay cadaadis uga imaanayay dhinacyo badan oo kasoo horjeeda dhismaha Dekeda Garacad,kuwaasoo laga xusi karo Wasiirka Arimaha dibada Fadaraalka Somaliya Axmed Ciise Cawad iyo Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Fadaraalka,kaasoo ah Cali Yuusuf Cali Xoosh oo geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay fashilinta mashruucaas.

Dekeda Garcad ayuu dhismaheedu marayaa meel wanaagsan,sii daynta Qalabkana waxay u tahay in uu ku dhamaan doono mashruucu xiligii loogu talagalay.

Jibril Qoobey.