Wararkii udanbeeyay Ee shirka Garowe

Magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland waxaa maalintii saddexaad ka soconayaa Shirka wadatashiga madaxda Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Shirkan oo ahaa kii ugu xasaasinaa ee madaxdan dhexmara,ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin:-


B.Doorashooyinka

T.Dastuurka,

J.Qeybsiga Kheyraadka

X.Arrimaha Awood qeybsiga.

Madaxda,ayaa xalay xili danbe ku gaaray shirka ay ku lahaayeen Villa-Puntland, hase yeeshee ma jiro wax war oo ka soo baxay madaxda shirka.

Wararka qaarkood oo laga helayo shirka,ayaa muujinaya in madaxdu ay ku kala aragti duwan yihiin qodobada asaasiga ah ee laga doodayo sida hanaanka doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Fadaraalka ee 2021-ka.

Xeerka Doorashaooyinka ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Dowlada Dhexe,ayaa waxaa ka mid ah qodob u kordhinaya waqtiga xilheynta Madaxda Dowladda Dhexe.