Video:-W.maaliyada Puntland oo diiday dhaqaalihii lagu ciidsiin jiray Agoomaha

Axmed Karaash oo ku amray Wasaarada Maaliyada in ay door muuqda ka qaadato waxna ka gaysatao Ciid siinta Caruurta Agoomaha ah ee Puntland ku dhaqan.

Hadalkan,ayaa yimid markii ay soo baxday in Wasaarada Maaliyada ay diiday lacag joogto ahayd oo sanad walba Ciid ahaan ay Dowlada Puntland usiin jirtay caruuraha agoomaha ah.

Diidmada Wasaarada Maaliyada ee dhaqaalaha Ciidsiinta Agoomaha,ayaa lagu macneeyay in Madaxweynuhu dalka ka maqan yahay,isla markaana Wasiirka Maaliyadu uusan awood ulahayn saxiixa wax ka badan 5000-dolar.

Waa nasiibdaro in Agoomaha sanadkan ay ku dhacdo Ciid la’aan,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka