VIDEO: Xiisad u dhexeysa Puntland iyo Ganacsatada Qaadka oo ka jirta Gaalkacyo

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur (Dabakariix), ayaa digniin adag u diray Ganacsatada iyo Shacabka Gobalka Mudug, taas oo ku aadan bixinta Canshuuraha ku waajibay.

Guddoomiye Dabakariix ayaa Sheegay in waayihii ugu dambeeyay ay soo baxeen Kooxo Dowlad diid ah oo aan ogaleyn bixinta Canshuuraha, Sidoo kalena Dagaal kala hor-yimid Ciidanka Dowladda Puntland ee u xil saran ilaalinta Canshuuraha.

Waxaa uu Sheegay in Kooxdani ay ugu horeeyaan Ganacsatada Qaadka, kuwaas oo sifo sharci darro ah u soo galiya Qaadka Degaanada Gobalka Mudug, iyagoo ka keenaya Meelo aan aheyn Puntland, waxaana uu sheegay inay ka qaadi doonaan Tilaabo adag, xitaa hadii ay dad ku dhimanayaa Maalin  walba.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeyb-galayay Shir looga Hadlayay Dar-Dargalinta Canshuuraha,Kormeerka Xuduudaha iyo Amniga Gobolka Mudug oo ka Qabsoomay Magaalada Gaalkacyo.

Hadalka Guddoomiyaha Gobalka Mudug ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay jirtay Xiisad u dhexeysa Ciidanka amniga Dowladda Puntland iyo Ganacsatada Qaadka, kuwaas oo diiday bixinta Canshuuraha Qaadka ay ka keenaan Koonfurta Gobalka Mudug, ayna Isko hor imaadyo la galeen Ciidanka.