VIDEO: Madaxweyne Farmaajo “Waxaan xalinaynaa Tabashada Somaliland”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ku baaqayo in la dardargeliyo wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland ee mudada aan qabsoomin.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo inay muhiim tahay in la keeno qorsho kasta oo lagu qancin karo Soomaaliland si markale dib loogu bilaabo wadahadaladii hakadka galay.

“Waxaan ku baaqayaa in aan dardargelino wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxaa loo baahan yahay in runta la wajaho si walaalnimo ah la isku wareyso lagana gudbo duruufihii la soo maray si loo boogsiiyo walaalaheena Soomaaliland ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinkii dalka ka dhacay iyo sida ay muhiim u tahay in looga gudbo dhibaatooyinkaas.