VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta u yeeray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, si wax looga waydiiyo Xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan xasaasi ah yeeshay, ayaa ka hadlay xaalada Gobalka Sanaag iyo Sool, iyo Badeecadaha ka yimaada Somaliland ee soo gala Degaanada Puntland.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kaddib go,aansaday in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku ay hor-yimaadaan Baarlamaanka si wax looga weydiiyo  Arrimaha Sanaag iyo Sool iyo Qorshayaasha Xukuumadda ee ku wajahan dhulka maqan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa la filayaa inay hor-tagaan Baarlamaanka Maalmaha soo socda, Iyadoona u yeerista Baarlamaanku ay kusoo aadeyso iyadoo dalka uu ka maqan yahay Madaxweyne ku-xigeenku ,