VIDEO: Guddoomiye Dhooba-daareed “Ma aqbali karno in Puntland oo awood leh ay Qabiilo difaacaan SSC”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Axmed Maxamed Dhooba-daareed, ayaa si adag uga hadlay Xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag.

Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa sheegay in Puntland lagu aas aasay Shan Gobal oo xor ah iyo Degmada Buuhoodle, balse maanta la heysto qeyb kamid ah Degaanada Puntland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay tahay waxaan la aqbali Karin in Maamulka Somaliland uu sii heysto qeybo kamid ah Dhulka Puntland, Iyadoo Dowlad balaaran oo awood leh ay Mandiqada Puntland ka dhisan tahay.

Mr. Dhooba-daareed ayaa tilmaamay in Dowladda Puntland ay damaanad qaaday markii la aas aasay kow sugida amniga iyo Xuduudaha Dhulkeeda, aysana aheyn in maanta beelo laga sugo difaaca dhulkaa, waxaana uu intaas sii raaciyay in dad iyo Duunyo la helo balse dhul aan la helin.

Ugu Dambeyntii, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Axmed Maxamed Dhooba-daareed, ayaa ugu baaqay Xukuumadda Puntland inay qaado si deg deg ah tilaabo adag oo dib loogu soo celinayo dhulka maqan, ayna baarlamaanku kula xisaabtami doonaan.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, ayaa yimid kaddib dood adag oo Golaha Wakiilada Puntland shalay ka yeesheen Xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag, sidoo kalena ay u yeereen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeen.