VIDEO: Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu fuliyay xukun dil ah

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho sanadkii 2017.

Saddexda Nin ee saaka Maxkamadda xukunta dilka ah ku fulisay ayaa kala ahaa Farxaan Maxamed Samatar,C/naasir Dhaqane&Abshir Maxamed Xaaji.

Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen weerarkii Hotel Naasahablood 2 lagu qaaday 28kii October 2017kii, xilligaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof.

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada iyo midda sare ee Ciidamada ayaa waxaa ay dil hore ugu xukumeen ragga saaka la toogtay ee lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.