Xubno kamid ah Al-Shabaab oo lagu dilay Howlgallo

Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeymo ka fuliyay deegaanka Kuunyabarow ee Gobalka Shabeellada Hoose, waxaana duqeynta lala eegtay Maleeshiyaad iyo Saraakiil ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, xili ay saarnaayeen gaari marayay duleedka deegaanka Kuunyabarow.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay saraakiil ka tirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Ilaaladooda.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Daraawiish-ta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

Howlgalka ayaa intii uu socday Khasaare xooggan lagu gaar siiyay Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, Iyadoona lagu dilay ilaa 4 kamid ah Argagixisada deegaanka Baar-sanguuni, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Jubbaland.