VIDEO: Madaxweyne Biixi “Farmaajo waxaan kala kulanay cadaawad aan horey loo arag”

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu jawaab cad ka bixiyey guddi ay dhawaan dowladda dhexe ee Soomaaliya u magacaabeen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay inaanay guddidaasi khusaynin Somaliland.

“Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya uu kordhiyey cadaawadda uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka yimid, cidda wax tabanaysaana aanay ahayn shacabka reer Somaliland ee dalkooda jooga.

“Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sharraxay sida kaliya ee lagu qaban karo doorasho aan waqtigeedii ka dib dhicin, waxana uu yiri, “Waxan leeyahay laba halla kordhiyo oo imika sharcigeedii halla bilaabo macquul ma ahee sharcigu sida uu yahay hadda aynnu ku galno, markay aynnu doorashada Baarlamaanka dhammaynonna aynnu kordhinno labada.”