Madaxda Wasaarada Maaliyada iyo Madaxda Midowga Yurub oo ku kulmay Garowe

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan laqaatay Safiirka Midowga Yurub uqaabilsan Soomaaliya 
Nicolás Berlanga Martinez.

kulan kan Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdulqaadir, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Cumar saalax aadan, Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Faysal Cabdullahi Warsame, iyo khabiirka qaybta xiriirka PFM Ruqiyo Cabdi Casiis

kulan kan ay wada yeesheen Safiirka iyo Madaxda Wasaaradda ayaa looga wada hadlay sidii ay wada shaqayn dhow uga yeelan lahaayeen Arimaha Mashaariicda iyo Arimaha bini- aadantinimada ee laga qabanaayo Puntland.

Madaxda Wasaaradda ayaa safiirka u gudbiyay Arimaha Deeqa ee Midowga Yurub ay Soomaaliya ka fuliyaan in Puntland qayb ka hesho

Safiirka Midowga ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland usheegay in ay dhankooda kala shaqayn doonaan harimaha Puntland ka socda ee Horumarka leh Amniguna qayb kayahay.

kulan ay waqateen Safiirka Midowga Yurub uqaabilsan Soomaaliya iyo madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku soo idlaaday is faham

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Axmed