VIDEO: IGAD oo ku dhawaaqday War culus oo ku saabsan Doorashada Jubbaland

Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Guyow, oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo oo uu maalmahan ku sugnaa, ayaa sheegay in maalmahan ay kismaayo u joogeen howlo la xiriira doorashooyinka Jubbaland, iyagoo la shaqaynaya howlwadeenada caalamiga ah ee doonaya in howlaha doorashooyinka Jubbaland ay ku dhacaan qaab hufan oo xor ah.

Wafdigu wuxuu inta uu joogay kismaayo uu kulamo la qaatay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin. Musharaxiinta Madaxweynaha ee is diiwaan galiyay. iyo kuwa aan diiwaan gashanayn. Odayaasha dhaqanka. Ururada Bulshada. Xildhibaanada Federaalka ah ee laga soo doortay Jubbaland. gudoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka.

Wakiilku wuxuu sheegay in IGAD ay cadaynayso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashooyinka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee Jubbaland ka dhacaya taas oo horay usii wadaysa geedi socodka yagleelida Dowladnimada iyo maamul wanaaga kuwaas oo xoojin doona amniga xasiloonida iyo kobaca hormarka bulshada.

Dr Maxamed Guyow wakiilka IGAD wuxuu intaas ku daray in uu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax banaan oo qaab hufan ku dhaca oo loo siman yahay taas oo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland si arintan loo xaqiijiyo waxaa uu sheegay in Shacabka iyo hogaanka Jubbaland ay ugu baaqayaan in nabada iyo xasiloonida laga wada shaqeeyo wuxuu intaas ku daray in wixii cabashooyin ah ee soo baxa wada hadal lagu dhameeyo iyadoo shacabka loo turayo.

Wafdiga ayaa goordhow ka dhoofay garoonk diyaaradaha Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyagoo beesha caalamka la wadaagi doona sida howlaha doorashooyinka Jubbaland ay u socdaan,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka