Guddiga Doorashooyinka Jubbaland oo Raalli-gelin ka dalbaday Wakiilka QM (Akhriso)

Mas’uuliyiinta Guddiga doorashada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa maanta jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Warqad uu ku saxiixnyahay Gudoomiyaha Guddiga doorashada ee Jubbaland Xamsa Cabdi Cumar, oo ka kooban 2 bog, kuna qoran afka ingiriiska, ayaa si adag looga falceliyay moqrifka ay Qaramada Midoobay ka qabto hannaanka lagu wado howlaha doorashada.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii warqad uu guddiga usoo diray James Swan, oo ah wakiilka Qaramada Midoobay uu ku sheegay in dhammaan waxyaabihii doorashada ku saabsanaa ee la sameeyay aysan beesha caalamku ku qanacsaneyn.

Guddiga oo u muuqday inay “ka caroodeen” hadalkaas ayaa sheegay inay sameeyeen wax kasta oo lagu xaqiijin karo inay doorashadu noqoto mid si sax ah loo qabtay.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu sheegay in doorashadu ay ku dhici doonto waqtigii loogu tala galay, wax dib u dhigis ahna aan lagu sameyn doonin.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in hadda la marayo marxaladihii ugu dambeeyay ee doorashada, lana qaaday ilaa 7 tallaabo oo lagama maarmaan u ah dib u habeynta hannaanka doorashada.

Qoraalka guddiga waxaa dhanka kale lagu sheegay in loo wada hoggaansamay dhammaan shuruudihii dastuurka dalka ee ku xirnaa fulinta doorashada Jubbaland.

Guddoomiye Xamse ayaa warqadda ku yiri: “Ka hor inta aanan jawaabtan soo saarin, waxaan wada tashi la sameeyay dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso sida: Xubnaha guddiga doorashada, afhayeenka iyo ku xigeennadiisa ee golaha baarlamaanka Jubbaland, xubnaha ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka, musharraxiinta xilka madaxweynaha ee la diiwaan galiyay iyo saraakiisha kale ee arrintan talada ku leh”.

Guddiga oo sheegay inay taageero buuxda ka heystaan shacabka, ayaa warqaddan ku socotay Qaramada Midoobay waxay ku dalbadeen in raalli galin laga siiyo hadalkii Danjire Swam uu ku sheegay in sida ay wax u socdaan aysan ahayn sidii loo baahnaa.