VIDEO: Booliska Gobalka Bari oo gubay maandooriyayaal ay qabteen

Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukunno xabsi iyo ganaax ku riday dad lagu soo qabtay maandooriyaha Khamriga ka dib hawlgalo ay Ciidanka Booliska ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda .

Taliska qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sidoo kale gubay maandooriyaha Khamriga ee ay qabteen, kadib markii uu ay dhamaatay Maxkamaddu.