Kenya oo War kasoo saartay Doorashada Jubbaland, baaqna u dirtay QM (Akhriso)

Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay dalabyada faraha badan iyo shuruudaha Beesha Caalamka ku soo rogeen hannaanka doorashada Jubbaland, iyadoo Guddiga Doorashada Jubbaland uu aqbalay dalabyo ka yimid Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, kaasoo ahaa dib u furida waqtigii is diiwaan gelinta Musharaxiinta, in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha iyo in howsha agaasinta Doorashada lagu wareejiyay Baarlamaanka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo loo diray Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasadda lagu sheegay in weli Wakiilka Qaramada Midoobey uu Guddiga ku soo rogayo shuruudo in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale, Kenya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka inay kala shaqeeyaan dowladda Federaalka inay ku taageeraan Guddiga Doorashada Jubbaland sidii hannaanka doorasho loogu dhameyn lahaa waqtigii loogu tala galay, taasoo damaanad qaad u noqoneysa in la helo xasillooni siyaasadeed oo ka hana qaada Jubbaland, si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in aan la abuurin jawi Al-Shabaab farxad gelinaya