VIDEO: Puntland oo sii deynaysa Maxaabiis sanado u xiran Magoh

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Dowladdu waddo qorshe la doonayo in lagu sii daayo Maxaabiis sanado badan ku xiran xabsiyadda Puntland, kuwaas oo loo heysto magoh, wax ka bixiyana waayay.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu balanqaaday inay Dowladdu bixinayso diyada loo heysto Maxaabiistan oo gaareysa 12 Maxbuus, kuwaas oo intooda badan dadkii u heystay ay cafiyeen.