Shacabka Dhoobley: DFS shuruud la,aan ha ku sii deyso Wasiir Janan (Sawirro)

Boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan deegaanka Dhooblay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa dhigay isku soo bax ay uga soo horjeedaan cunaqabateynta ay DFS ku soo rogtay degaanada Jubbaland gaar ahaan xayiraadii duulimaadyada.

Sidoo kale waxa ay ka soo horjeedsadeen afduubkii lagula kacay Wasiirka Amniga Jubbaland kaas oo dhawaan lagu afdubay xilli uu safar shaqo ku marayay magaalada Muqdisho.

Waxa ay ku baaqeen in si shuruud la,aan ah lagu sii daayo Wasiirka Amniga Jubbaland.

Banaan baxa maanta waxaa qayb ka ahaa Ardeyda iyo bahda waxbarashada deegaanka Dhoobley iyagoona socod dheer ku soo maray wadooyinka waa weyn ee magaalada.