VIDEO: S/Gaas Yaasiin oo booqday Ciidankii dhowaan kusoo biiray Puntland

Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar dheere oo kormeer ku tagay Xerada Ciidanka Ex guutada 117-aad ee ka soo wareegay Maamulka Somaliland.

S/Gaas Yaasiin Cumar dheere, ayaa bogaadiyay Ciidanka, oo uu sheegay inay yihiin geesiyaal u istaagay ilaalinta Degaanka iyo Dadkooda.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan sidii ay uga difaacaan Dadka iyo Dadkooda Kooxaha doonaya inay dhibaateeyaad.