Ciidamo sigaar ah loo tababaray oo la wareegi doona amaanka Puntland

Dhawaan waxaa ka hawlgeli doona magaalooyinka waa weyn ee Puntland ciidamo si gaar ah oo xirfad sare ah loosoo tababaray.

Ciidamadan oo si toos ah u hoos tagi doona Madaxtooyada Puntland,ayaa masuul ka noqon doona amaanka Mgaalooyin ay ka mid yihiin Bosaso,Gaalkacyo iyo Garowe,

Ciidamadan oo gaaraya dhawr Guuto,ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxay tababarkooda iyo qalabayntooda bixisay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Waxaa la filayaa hawlgalinta Ciidamadaas kadib in isbadal xoog leh laga dareemi doono amaanka guud ee Puntland.

Dowlada Madaxweyne Deni,ayaa wada qorshayaal wax looga qabanayo amaanka iyo Ciidamada ku hawlan.

Sidoo kale waxaa iyadana qorshaha dib loogu xoojinayo uu socdaa hay’ada sirdoonka ee PISA,taasoo hada loo dhiibay hogaan khibrad uleh.