Kulan natiijadiisa shaki ku jiro oo dhexmaray Beyle iyo xubno IMF ka tirsan

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada fadaraalka Soomaaliya,ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay xubno ka tirsan sanduuqa lacagta Adduunka ee IMF.

Wasiirka iyo xubnaha uu la kulmay waxa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira qorshayaasha deyn cafinta.

Wasiir Cabdiraxmaan Beyle,ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay xubnahan ka tirsan IMF uu ahaa mid ay ka soo baxeen natiijo wax ku ool ah.

Isagoo intaa ku daray in xubnuhu ay ku amaaneen Dowlada Fadaraalka Soomaaliya dadaallada iyo hawsha ku bixinayso habka dayn cafinta.

Markii laga soo tago sheegashada Wasiirka majirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya in kulankaas natiijo wax ku ool ah laga gaaray.

Dhawaan ayay ahayd markii Danjiraha Maraykanka ee Somaliya uu si cad usheegay dayn cafinta ay baadigoobka ugu jirto Dowlada Fadaraalka Somaliya in ay ku xiran tahay siyaasad xasiloon oo la wadaago ayna ku midaysanyihiin guud ahaan qaybaha Somalida,balse aysan ku filnayn oo kaliya nidaam dayn cafineed oo la dhiso.