Maxaa kasoo baxay kulankii Hoggaanka Ahlu-sunna iyo Wasiir Sabriye ?

Hoggaanka Ururka Ahlu-sunna iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga wada hadlayay sidii loo qancin lahaa tabashada ay qabaan Hoggaanka Ururka Ahlu-sunna oo diiday Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha XF Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in qodobadii looga hadlay kulanka intii uu socday qeybtood la isku fahmay, isla markaana la go’aamiyey in meesha laga saaro mad madowga soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna Wal-jamaaca.

Warar ayaa intaas ku daraya inay macquul tahay in saacadaha soo socda uu Magaalada Dhuusamareeb tago Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, si uu u qanciyo Ahlu-sunna.

Hoggaanka Ahlusunna ayaa kasoo horjeestay Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in guddigaas Magacaabistiisa uu yahay mid hareer marsan heshiiskii dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay gaareen 8 Bishii July ee sanadkaan 2019.