Mahad Salaad “Xarunta Golaha Shacabka BFS shaqo kama socoto”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xarunta Golaha Shacabka aysan ka socon wax shaqo ah oo dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayuu sheegay in aysan iska xil saarin shaqooyinkii loo doortay oo ay ka mid ahaayeen La xisaabtanka Xukuumadda, Matalaada Shacabka iyo Sharci dejinta.

Gudoonka Golaha Shacabka ayuu ku eedeeyay in aysan ogoleyn in lala xisaabtamo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood ayaa horay u sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu gacanta u galay Xukuumada, islamarkaana uu meesha ka baxay la xisaabtankii Xukuumadda.