Bangiga Aduunka oo 65 Milyan oo dollar ugu deeqay Soomaaliya

Bangiga Adduunka ayaa Mallaayiin Dollar oo lagu caawinayo dadka dhibaateysan ugu deeqay Soomaaliya, kaddib shir uu soo qaban-qaabiyay Bangiga oo ka dhacay Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka.

Shirkaasi waxaa Soomaaliya ku metelayay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa,waxaana uu sheegay in Banmgiga Aduunka uu Soomaaliya u balan qaaday in uu siinayo lacag dhan 65 Milyan oo Dollar.

Wasiir Saadiq ayaa sheegay in lacagtaas loogu talo galay daryeelida ama ilaalinta Bulshada gaar ahaan dadka barakacay iyo kuwa dhibaatooyinka kale heysta,isla markaana lacagtaan ay tahay mid Soomaaliya lagu tijaabinayo.

Xubnaha Bangiga Aduunka ayuu sheegay inay u balan qaadeen inay sii wadi doonaan taageerada dhinaca Bulshada ah oo ay siiyaan Soomaaliya uuna taasi raja weyn ka qabo.

Hay’ado kala duwan oo Caalami ah iyo dalalka Saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa horay waxaa ay lacago Mallaayin Dollar ah ugu deeqeen Soomaaliya,kuwaas oo lagu bixinaayo Arrimaha Bulshada,sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo baahida kale oo ay Bulshada qabaan.