Madaxweyne Axmed Madoobe oo Shir gudoomiyay kulanka Golaha Amniga Jubbaland+VIDEO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay sidii loo balaadhin lahaa xarunta wadaaga xogta taas oo wax badan ka taraysa isku xirnaanta dhinacyada kala duwan ee helista xogta cadowga si looga hortago falalka Argagixisadu ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada AMISOM ayaa la isku raacay inay tagaan furimaha hore ee ay ka howlgalaan Ciidamada Jubbaland si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland oo ka howlgala inta badan deegaano aanay joogin Ciidamada AMISOM.