Xildhibaan Cawil Daad: Wasaaradda Maaliyadda waxay sare u qaaday Dakhliga Puntland+VIDEO

Xidhibaan Cawil Xassan Daad oo kamid ah Guddiga Maaliyadda iyo Xisaabaadka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ku amaanay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland inay ku guuleysatay sare u qaadida Dakhliga Puntland.

“Wasaaradda maaliyaddu waxay samaysay hormar fiican oo ay ku xakamaynayso kharashka dowladda, waxayna sare u qaaday dakhliga iyadoo meel marisay habka isku dheeli tirnaanta waxa soogalaya iyo waxa ka baxaya” ayuu yiri Xidhibaan Cawil Xassan Daad