Baarlamaanka Puntland oo loo gudbiyay Cabasho ka dhan ah duqeymo ka dhacay Gobalka Bari+VIDEO

Cuqaasha iyo Nabaddoonada Gobalka Bari ayaa Golaha Wakiilada Dowladda Puntland u gudbiyay cabasho ka dhan ah duqeymo bishii hore ka dhacay Degaano katirsan Gobalka Bari oo lagu laayay dad rayid ah.

Qoraalka cabashada ah ee ka soo baxday in ka badan 20 xubnood oo kamid ah Cuqaasha iyo Nabaddoonada Gobalka Bari, ayaa manta la horgeeyay Baarlamanka ,waxaana mudanayaasha u akhriyay Xoghayah Golaha Wakiilada Puntland Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in 25-October ee sannadkan ay diyaarado duqeeyeen dad rayid ah oo ku sugnaa togga Cameyra ee Degmada Isku-shuban oo ka tirsan Gobalka bari , halkaasina lagu dilay laba qof oo shacab ah mid kalena lagu dhaawacay.

Ugu dambeyntii, Cuqaasha iyo Nabaddoonada ku saxiixan warqadda oo ay weheliyaan ehelada dadka la sheegay in la laayay, ayaa Dowladda Puntland ka dalbaday in la caddeeyo cidda ka dambaysay falkaasi, islamarkaana lagula xisaabtamo dhibki ay gaysatay.