Sierra Leone oo xil weyn ka heshay Howlgalka AMISOM

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa magacaabay Taliyaha Booliska cusub ee AMISOM kaas oo shaqada billaabay Jimcihii shalay.

War ka soo baxay Midowga Afrika ayaa xilka Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM qeybtooda Booliska loogu magacaabay Augustine Magnus Kailie, oo ka soo jeeda dalka Sierra Leone.

Francisco Madeira, oo ah Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa Howlgalka AMISOM ayaa u hambaleeyay taliyaha cusub ee shalay shaqo billaabay.

Booliska AMISOM ayaa tababara Booliska Soomaaliya,waxaa ay dabagal ku sameeyaan howlaha Booliska Soomaaliya,waxaa ay kala qeybqaataan howlgallada qaarkood, iyagoona ay kala taliyaan howlgallada qaar.

Kailie, ayaa dhinaciisa sheegay in Beesha Caalamka ay dalkiisa ka bixisay dagaallo sokeeye oo socday 1991dii ilaa sanadkii 2002dii, isaga oo ka faa’ideysanaya qibradahaasna uu awooddiisa isugu geynayo sidii guul looga gaari lahaa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ee uu hadda ka ahay Taliyaha cusub.

“aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dib u celiyo abaalkii Beesha Caalamka ku garab istaagtay dalkeyga xilligii adkaa ee dagaallada sokeeye, wax weyn ayuu noo taray dadaalkii beesha Caalamka” ayuu yiri taliyaha cusub ee Booliska AMISOM.