Ra’iisulwasaare Kheyre oo baaq u diray Beesha Caalamka+VIDEO

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saaxiibada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib-u-kabashada dalka.

“Maalgelinta dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa inay ka mid tahay dadaallada la doonayo in lagu gaaro Himilooyinka Horumarka Qaranka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood looga hadlayay gaaridda hadafyada horumarka waara ee 2030, ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseeda in ay soo ceshato kaalintii ay dunida horay ugu laheyd.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay inay muhiim tahay in la qiimeeyo dhammaan xaaladaha dunida ka jira si loogu guuleysto himilooyinka oo dhan.

“Hannaanka guud ee lagu gaarayo hadafyada horumarka waara (SDGs) ma aha inuu hannaan Qura ku habboonyahay xaaladaha oo dhan. Xaaladda Soomaaliya waa mid gaar ah. Codsigeygu waa inaan cidna gadaal looga tegin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris ayaa looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.