Washintong Examiner: Madaxweyne Farmaajo & Kheyre waxay lunsadeen $18 Milyan oo gar-gaar ah

Warbixin uu daabacay Wargeyska Washintong Examiner ayaa lagu sheegay in Warbixinno loo gudbiyay Dowladda Mareykanka  ay muujinayaan Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lunsadeen $ 18 Milyan oo doolar oo ah gargaar loogu deeqay Soomaaliya.

Warbixinta oo si gaar ah loogu gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Lacagtan oo ay lunsadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, ay bixiyeen Midowga Yurub, Sacuudiga iyo Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay warbixinta Wargeyska Washintong Examiner.

Lacagtan $ 18 Milyan ah ayaa la sheegay in lagu wareejiyay Dawladda Soomaaliya, balse aysan u gudbin  xisaabta khasnadda Bangiga Dhexe, iyadoona Warbixinta lagu xusay in aysan aheyn dhaqaalihii ugu horeeyay ee loogu deeqo Soomaaliya, kaas oo la waayo.

Hay’adda Transparency International ayaa Warbixin ay daabacday ku xustay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka muddo 16 sano ah.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Xog-hayaha Arrimaha Dibedda iyo Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sanet-ka Mareykanka ay qorsheynayaan in Madaxda DFS (Farmaajo & Kheyre) kula xisaabtamaan dhaqaalahan gaaraya $ 18 Milyan.

Ugu dambeyntii, Warbixinta uu daabacay Wargeyska Washintong Examiner ayaa lagu tilmaamay in Musuqmaasuqa baahsan ee Soomaaliya uu wiiqayo istiraatiijiyadda Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto iyo hay’adaha caalamiga ah ee Mareykanka, taas oo ku aadan lacagaha Mareykanka uu ugu talagalay Dhismaha Dowladda Soomaaliya.

Xigasho: Washintong Examiner