Video:-Wararkii Ugu danbeeyay Roobabkii dabayaha watay Ee ka da’ay Puntland

Duufaanta Pawan ayaa la sheegay iney ku soo wajahantahay xeebaha Soomaaliya. Waxaana la soo sheegayaa iney duufaanta maanta oo Sabti ah soo gaari karto deegaanno ka tirsan Puntland gaar ahaanna Eyl.

Shacabka deegaannadaasina waxaa lagula taliyey iney badda iyo dhulka badkiisu hooseeyo ay ka fogaadan.

Tan iyo xalayna waxaa deegaanno ka mid ah Puntland ka da’aya roobab dabeyla wata iyada oo meela badanna ay is-gaarsiintu ka maqan tahay.

Magaalada Garowe ayaa ka mid ah meelaha Saamaynta ay roobabkan ku keeneen. oo mudo tobon saac ayay magaaladu korontadu ka maqnayd.

Magaalooyinka uu hada roobku aad uga da’ayo waxaa ka mid ah Magaalada Eyl oo sidoo kale ka mid ah meelaha laga digayo inay duufaantan ku dhufato.

Gudoomiyaha magaaladaasi Muuse Cismaan Yusuf, ayaa sheegay in magaalada Eyl saacadihii ugu dambeeyay ay roobab xooggan ka da’ayeen,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka