”Farmaajo looga adkaaday qorshaha doorasho Ee 2021 dalku qaadanayo!!

Baarlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ansixiyo sharciga doorashooyinka dalka, kaasi oo dhigaya in doorasho qof-iyo-cod ah aysan xilligan Soomaaliya ka dhici karin, sababo la xiriira amniga dalka oo xun, waqtiga oo yar, iyo dastuurka dalka oo weli qabyo ah.

Tani waxay meesha ka saareysa qorshihii madaxweyne Farmaajo oo ahaa in doorasho qof-iyo-cod ah oo ay ka qeyb-galaan kaliya dhowr kun oo qof oo shacabka ka mid ah lagu qabto magaalada Muqdisho.

Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo la hadlay wargeyska The East African Standard ee Nairobi ayaa sheegaya in xeeladda dib u doorasho ee Farmaajo ee ahayd hanaan doorasho oo qof-iyo-cod ah.

Caasimada Online ayaa horey u qortay in qorshaha madaxweynuhu ahaa dhowrka kun ee qof oo la isugu keenayo Muqdisho ay shacabka oo dhan wakiil ka noqdaan, intooda badan laga soo xulo taageerayaashiisa, taasi oo dib u doorasho fudud siin lahayd.

Ad by Valueimpression
Hase yeeshee, ka sokow amniga, waqtiga oo yar, iyo dagaal siyaasadeed badan oo ka dhalan lahaa soo xulista dhowrka kun ee qof, caqabadda ugu weyn ee hortaaagan madaxweyne Farmaajo ayaa ah dastuurka dalka, waddo kasta oo xal looga gaari lahaana isaga ayaa horey u xiray.

Ma jirto maxkamad dastuuri ah oo xal ka gaari karta, haddii natiijdaa doorashada lagu murmo, sidoo kalena ma jirto meel loo dhaafi karo qodobka 89-aad ee dastuurka dalka oo dhigaya “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.”

Cabdalla Axmed Ibraahim oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka ee Bariga Africa ayaa qaba in madaxweyne Farmaajo uu xiray waddadii dastuurka dib u eegis loogu samayn lahaa, waxna looga beddeli lahaa.

“Dib u eegista dastuurka waxay u baahan tahay wada-hadallo dhab ah oo dhex mara dhammaan saamileyda siyaasadda, iyo hoggaan ay ka go’an tahay dib u heshiisiin oo hadda aan jirin” ayuu yiri.

Cabdalla ayaa sidoo kale sheegay in wada-tashiyada mamaul goboleedkada, hoggaamiyayaasaha mucaaradka, bulshada rayidka iyo shacbka Soomaaliyeed, oo intaba ay ahayd in madaxweynhu sameeyo aan la hayn.

Madaxweyne Farmaajo ayaan wax xiriir ah la lahayn laba ka mid ah shanta maamul goboleed oo kala ah Jubaland iyo Puntland, halka maamulka Galmudug ay burburisay dowladdiisa, welina aan mid cusub loo dhisin.

Waxa uu sidoo kale dagaal siyaasadeed ku salaysan kali-talisnimo ku qaaday madaxdii hore ee dalka oo hadda hoggaamiya mucaaradka, kadib markii uu xanibaado ku sameeyey dhowr goor.

Dhammaan dhinacyadan ayaa noqon lahaa kuwa muhiimka ah, islamarkaana ay tahay inay ogolaadaan is-beddelo lagu sameeyo dastuurka ama ugu yaraan xal siyaasadeed oo kala la gaara madaxweynaha, hase yeeshee siyaasaddiisa ku dhisneyd kali-talisnimada ayaa albaabkaas soo xirtay.

Xigasho:-Cabdalla Ibraahim.