DP World Oo hakisay heshiiskii balaarinta Dekeda Bosaso

Ciise Yulux iyo maleeshiyo uu wato,ayaa soo galay gudaha Magaalada Bosaso.

Kadib waxaa iimayl ka yimid shirkada DP World,kaasoo ay ku leedahay…

“Bosaso waxaa soo galay burcad badeed iyo Daacish wada socda ee faahfaahin naga siiya”.

Iimaylkaas waxuu soo gaaray Wasaarada Kaluumaysiga iyo Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Kaluumaysiga,ayaa ka jawaabay iimaylkaas,erayada lagu qoray jawaabtaas waxay udhignaayeen sida tan…

“Masoo gelin Bosaso argagixiso iyo burcad badeed ee maleeshiyo hab beeleed u abaabulan,ayaa soo gashay,waxaana ka saari doona,iyadoon xabadi ka dhicin Magaalada”.

Markale ayay Shirkada DP World soo dirtay Iimayl ay ku leedahay faahfaahin naga siiya argagixisada iyo burcadbadeeda Bosaso soo gashay.

Markaas labaad,ayay Madaxtooyadu jawaab ka bixisay Iimaylka taasoo keentay in is afgaran waa dhexmaro DP iyo Madaxtooyada Puntland.

Is afgaran waagaasi waxuu sabababay in shirkada DP World ay soo celiso Iimayl ay ku leedahay sida tan….

“Waxaan hakinay bilaabida mashruucii balaarinta Dekeda Bosaso ee aan horay uwada galnay sababo amaan dartood”

Madaxtooyada Puntland aad ayay iimaylkaas danbe uga carootay,waxaana wadatashi dheer kadib la go”aamiyay in Deni tago Dubai.

Tagidii Dubai ee Madaxweyne Deni niyad jab waxaan ahayn masoo kordhin,waxuuna safarkaas kusoo idlaaday guuldaro iyo in Puntland ay yaqiinsatay DP World in aysan dhisayn Dekeda Bosaso.

DP World waxay aad ubaadi goobaysaa marmarsiiyo ay ku fashiliso heshiiska balaarinta Dekeda Bosaso.

Madaxtooyada Puntland waxaa horyaal maaraynta go”aan adag oo ay tahay in ay xal uhesho.

Xogtan waxaan ka helay laba ka mid ah Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland.

Jibril Qoobey.