Video:-Cumar Finish”Alshabaab waa ka aarsan doonaa”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ayaa sheegay in uu Bulshada Soomaaliyeed la qeybsanayo xanuunka iyo murugada haysta, wuxuuna intaa ku daray in kuwa sidaa u galay ay yihiin kuwa cadowga umada soomaaliyeed

Cumar Filish, oo ka hadlayay bannaanbax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Magaalada Muqdisho sheegay ayaa in aysan ka hari doonin kuwa Ciidamada iyo Ubadka Soomaaliyeed sidaa u galay, Maalin walbana aysan ooyi doonin balse taasi dhiggeeda ay ka aarsan doonaan cadowga.

“Kama hari doonno kuwa Ubadkeenna iyo Ciidamadeenna sidaas u galay, waanan ka hadlay arrintaasi oo waxaan iri “ma ooyi doonnee waan aarsanaynaa.

Dadka hantiilayaasha iyo ganacsatada ayuu sheegay in ay ogaadaan Lacaha baadda ah ee laga qaado in lagu baabi’inayo Uabadkooda, wuxuuna ugu baaqay in ay iska diidaan dhaca ay ku hayaan Al-Shabaab, isagoo sidoo kale Macallimiinta Dugsiyda ugu usoo jeediyay in ay Ardayda baraan Cadowgooda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bur-burkii nagu dhacay ay u sahashay cadowga in ay Dalka Soomaaliya soo galaan, iskuna diraan Wiil iyo Waalidkiis, sidaa daraaddeedna loo baahan yahay wacyi gelin dheeraad ah, wuxuuna ballan qaaday in ay Shacabka ku saacidi doonaan ka hortagga Al-Shabaab.

Halkan ka daawo muuqaalka