Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo ku Casuumay Madaxweyne Ramaphosa dhex-dhexaadin iyaga iyo Masar

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku casuumay Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu dhex-dhexaadiyo Khilaafka ka dhaxeeyo wadankiisa iyo Masar, ee ku aadan biyo-xireenka Itoobiya ka waddo Biyaha Wabiga Niil.

Ma cadda doorka Koonfur Afrika ay ka ciyaari doonto muranka dalalkan oo Mareykanku horeyba gacan uga geysanayay dhexdhexaadintooda.

Dhismaha biyo-xireenkan ayaa loo qorsheeyay in lagu dhammaystiro sannadkan, wuxuuna noqon doonaa warshadda korantada ee ugu weyn Afrika, lakiin Dowladda Masar ayaa kasoo hor-jeeda biyo-xireenkan iyadoo ka baqeysa inuu saameyn ku yeesho qulqulka webiga ay ku tiirsan tahay 90% oo biyo ah.

Wada-hadladii ugu dambeeyay ee dhinacyada ayaa ku soo dhamaaday is afgarad dhammaadkii usbuucii hore, waxaana la filayaa inay dib uga bilaabmaan Washington.

Ra’iisul wasaare Abiy oo suxufiyiinta kula hadlayay caasimada South Africa ee Pretoria, ayaa sheegay in madaxweyne Ramaphosa lagu casuumay inuu dhexdhexaadiyo Dalalka Masar, Itoobiya iyo Sudan, madaama uu yahay Gudoomiyaha soo socda ee midowga afrika.

“Itoobiya marwalba waxay aaminsan tahay in guusha ay la gaarto Masar iyo Suudaan, codsiga loo dirayo Madaxweyne Ramaphosa ayaa in sababtu ay tahay inuu saaxiib fiican u yahay Ethiopia iyo Masar, sidoo kalena uu yahay gudoomiyaha soo socda ee Midowga Afrika, wuxuu sameyn karaa in wadahadal dhexmara labada dhinac si nabadgelyo ah loogu xalliyo arrinta. “