Safaaradda Mareykanka oo war kasoo saartay kulankii Danjire Yamamoto iyo Madaxweyne Deni (Akhriso)

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan ay sabtidii lasoo dhaafay ku yeesheen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Danjire Donald Yamamoto iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay Barta Facebook ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Danjire Donald Yamamoto iyo Madaxweyne Deni ka wada-hadleen iskaashiga amniga gobolka & horumarka.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in Danjire Donald Yamamoto uu ka codsaday Madaxweynaha Puntland soo celinta wada-shaqeyntii Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka si looga caawiyo Soomaaliya ka guuleysiga caqabadaha, loona gaaro barwaaqo.

“Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa mar kale ku celisay baahida loo qabo wada shaqeyn dhow oo dhexmara Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka si #Somalia looga caawiyo ka guuleysiga caqabadaha loona gaaro barwaaqo.” Ayaa lagu yiri Qoraalka lagu baahiyay Barta Facebook ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Madaxtooyadda Puntland oo sabtidii War kasoo saartay kulankan ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka si gaar ah uga wada-hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, iyo xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya.

Xog ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegeysa in kulankaas intii uu socday la isla soo qaaday Arrimaha la xariira Sharciga Batroolka oo ay ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka, Danjire Yamamoto ayaana ka codsaday Madaxweynaha aqbalaada Puntland ee sharcigaas wallow Madaxweynuhu ka biyo diiday.

Sidoo kale, Ilo-wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Danjire Donald Yamamoto uu ballan-qaaday in Dowladda Mareykanku kordhinayso taageerada amni ee ay siiso Puntland, iyadoona qalab cusub siin doonta Ciidanka PSF-ta Puntland ee ay taageerto, halka Madaxweynaha Puntland uu ogolaaday in Maraakiibta dagaalka Mareykanka ay kusoo dhawaadan xeebaha Puntland si loo xaqiijiyo amniga Biyaha.