Ciidamo kamid ah komaandooska Puntland oo tababar loo furay (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa tababar uga furtay Xerada Ciidamada 54-raad, Ciidamada gaarka ah ee komaandooska Puntland, waxaana goojoog ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka amniga Dowladda Puntland.

Ciidanka Daraawiish-ta Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaa ku socda Diiwaan-gelin iyo dib u habeyn, waana dufcadii labaad ee tababar loo furay bilihii ugu dambeeyay, iyadoona Ciidamadan Kumaandooska ah la barayo casharo ay ka midyihiin;

1 Wadaniyada
2 Jirdhis
3 Xeeladaha daagaalka
3 adeegsiga Isgaarissinta
4 barashada Aqoonta hubka
5 Garagaarka degdega iyo casharo kale oo la xiriira dhanka Ciidamad