Senator C/rixmaan Faroole: Madaxweyne Farmaajo waa inuu amar siiyaa Wasiirkiisa Goodax (VIDEO)

Madaxwynihii hore Dowladda Puntland, kana mid ah Senatorada Golaha Aqalka sare ee BJFS Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole),  oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay khilaafka Waxbarasho ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Senator C/rixmaan Faroole ayaa baaq u diray Madaxweynaha DFS, isagoona yiri “Madaxweyne Farmaajo waa inuu soo dhex-galaa khilaafka Wasaaradaha Waxbarashada Puntland iyo DFS, amarna uu siiyaa Wasiirkiisa Goodax”