Maxaad kala socotaa Ciidamada Gedo lagu daabulay?

Gobolka Gedo waxaa gaaray ciidamo iyo Tekniko lagu soo daabulay Diyaarado ay Itoobiya ay leedahay.

Ciidamada Muqdisho laga soo daabulay waa Maleeshiyad beeleed markii hore tababar loogu siiyay in ay furayaan wadada xiriirisa magaalooyinka Afgooye-Muqdisho iyo Balcad.

Ciidamadan,ayaa sida khaldan loogu daad gureeyay Gobolka Gedo,ayaa iradooda guud gaaraysaa 620-askari.

Beelaha ay ka soo kala jeedaan Ciidamadaas,ayaa kala ah…

382-ka mid ah waxay kasoo jeedasn Beelaha Hiraab ee Hawiye,238 kale waxay ka kala soo jeedaan beelaha Mareexan,Raxanweyn iyo Dhulbahante.

Dhanka kale waxaa soo gaaray Gobolka Gedo Maleeshiyad Oromo ah,gaar ahaan Booran iyo Guji,waxayna Saldhig ka dhigteen Degmada Garbahaarey oo ay sheegtaan in ay ahayd 300-sano ka hor Dhul Oromo.

Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo aad uhubaysan,ayaa heegan buuxa kaga jira Gobolka Gedo,waxaana daqiiqad walba la filan karaa in ay Xabadu si rasmi ah ubilaabato.

Jibril Qoobey.