Prof M.Isse”Somaliya umaba baahna wasaarad waxbarasho”

Mudane Madaxweyne Farmaajo wuu cadeeyey in Somaalidu aysan fahmin Nidaamka federalisimku sida uu ushaqeeyo,wuxuuna hadalkiisa ku sheegay in Maamul goboleedyadu qaadan karaan imtixaanadoodu lkn hadana muhiim tahay in Imtixaan dhexe la qaado siloo hubiyo tayada.

Caadiyan marka laga hadlayo Federaalisim loomaba baahna in ay jirto Wasaarad Waxbarasho oo dhexe,waayo adeega bulshada awoodiisa oo dhan waxaa leh maamul goboleedyada.

Farmaajo wuxu ka yimi USA oo Federaalisim ah, Weligiin ma maqasheen Wasiirka Waxbarashada ee USA?.

Mudane Wasiir Godax Barre wuxuu ka yimi Canada oo Federaalisim ah, Canada ma malaha Wasaarad Waxbarasho,waayo waa shaqo ay leeyihiin Maamul goboleedyadu.

USA waxay leedahay Wakaalad Waxbarasho bes ( USA department of education) oo masuul ka ah samaynta siyaaasada Waxbarashada mana qaado imtixaan,manhajna ma dejiso waana wadan Federaalism ah.

Adduunka waxaa jira 27-wadan oo ku dhaqma nidaamka Federaalisimka mana laha Wasaarado adeega bulshada oo dhexe,waayo marka laga hadlayo federaalisim awoodaha adeega bulshada waxaa loo daadejiyey si hoose ( Decentralized system) waxaana masuul ka ah maamulgoboleedyada.

Haddaba; Dhalinta waxaan kula talin lahaa in aynu akhrino nidaamka Federaalku suu u shaqeeyo iyo weliba dastuurka Somaaliya taasina waxay noo fududaynaasaa in aynu fahano sida Federaalisimku u shaqeeyo.

Sidoo kale waxaa noo kala cadaanaya awoodaha Dowlada dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Mahadsanidiin.

Prof.Maxamed Isse.