Video:-Maxkamada Sare ee Puntland oo xukun riday

Maxkamada Sarre ee Puntland ayaa xukun kama danbays ah ku riday Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi oo lagu soo eedayay in uu kufsi u gaystay,isagoo qaba Cudurka AIDS-ka dhibbane Farax Jaamac Faarax oo ah gabar markaas da’deeda lagu sheegay  9-sanno jir.

Maxkamadda sare ee Puntland oo maanta go’aan kama dambays ah ka gaartay kiiska Mukhtaar, ayaa si buuxda u ayidday xukunkii maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, oo ahaa 20-sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $5000.

Halkan ka daawo muuqaalka