Kaluumaysatada Puntland oo ka cabanaya Wasiir Cawaash

Shacabka Puntland,gaar ahaan Kaluumaysatadu cabasho xoog badan ayay ka qabaan Wasiir Faarax Cawaash.

Kaluumaysatada in badan oo ka mid ah ay ila soo xiriireen waxay aad uga cabanayaan Maraakiib iyo Doonyo Kaluumaysi oo harqiyay Badda Puntland.

Doonyaha yar-yar ee Kaluumaysatada Puntland ay adeegsadaan markay Badda galayaan,ayaan dhaafi karin Xeebta,sababtoo ah Badweyntii waxaa qaatay Maraakiibta Jariifka ah,kuwaasoo waliba hubaysan soona rasaaseeya Kaluumaysatada Deegaanka.

Faarax Cawaash Wasiirka Kaluumaysiga Puntland waa masuulka bixiyay Shatiyada ay isticmaalayaan Maraakiibtaas iyo Doonyahaas Jariifka ah.

Faarax Cawaash sanadkii uu joogay Xaafiiska Wasaarada Kaluumaysiga, waxuu bixiyay ugu yaraan 1234-Shati.kuwaasoo toban jibaar kusoo labanlaama kuwii la bixiyay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Hadaba Madaxweyne Deni waxaa laga dalbanayaa in uu soo faragaliyo arinkan oo wax la taaban karo ka qabto intaysan xaaladu gacanta ka bixin.

Waa muhiim in Wasiirka lasoo gole joojiyo!!

Jibril Qoobey.